gen_88.1.gif
Home
About
The Minister
The Minister of State for Defense
The Deputy Minister
The Joint Chief Staff of Staff
The Generals in-Charge
EX- Chiefs of Staff
The Generals
Full Colonels
The Army
The Navy
The Airforce
Colonels
Commissioned Officers
Non-Commissioned Officers
Webmail Login
Wararka
e-mail me

 



 



: The Government of the Republic of Turkey started training 120 Somali Armed Forces for one year in Turkey, & we will update news.


Muqdisho November, 21, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Shir looga hadlaayay dib u dhiska ciidamada dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay (Daawo sawirada)

Xarunta dugsiga tababarka Xalane oo hadda ah taliska dhexe ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galay wasiirka difaaca dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqqi, taliyaha ciidanka ciidamada milateriga dowlada Somalia iyo gudiga farsamada ciidamada oo ka kooban saraakiil ka kala socota QM, dalalka deeqda bixiya.

Waxaa kulankaas ka hadlay wasiirka difaaca dowlada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi oo ka waramaya guulaha isdaba jooga ah ee ciidamada dowlada ka gaareen dagaalada ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab, wuxuuna sheegay in daryeelka ciidanka oo la xoojiyo ay keeneyso guulo dhaxal gal ah oo la gaaro.

Waxaa uu intaa ku daray wasiirku in ciidamada dowlada kaashanaya kuwa AMISOM ay dhowaan xoogaga Al-shabaab ka saari doonaan degaano kooban oo uu sheegay iney ku harsan yihiin si loo soo celiyo nabada, shacabka degaanadaasna looga xoreeyo dhibaatooyinka ay ku hayaan sida uu yiri.

Fiqi ayaa sheegay in loo baahan yahay daryeel fiican in loo sameeyo dagaalyahanada ka soo goosta Al-shabaab si loo dhaqan celiyo isla markaana mustaqbalkooda loo wanaajiyo, maskaxdoodana looga saaro fikrado uu sheegay in lagu marin habaabiyey.






















XAFIISKA MADAXWEYNAHA DOWLADDA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT

REF: SOM/0231/02/11


Friday, February 11, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta dalacsiiyey saraakiil badan oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaasoo in badan sugayey inuu Madaxweynaha dalacsiiyo.

SARAAKIISHA MILITARIGA EE DALACAY

1. Gaashaale Sare Axmed Maxamed Aadan "Dalbac" oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto Axmed Maxamed Aadan "Dalbac"

2. Gaashaale Sare Xuseen Xassan Jibriil "Xidig" oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto  Xuseen Xassan Jibriil "Digid)

3. Gaashaale Sare Maxamd Abdi Maamow "Dalbac" oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto Maxamed Abdi Maamoow

4. Gaashaale Sare Xaawo Cali Diiriye oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto Xaawo Cali Diiriye

5. Gaashaale Sare Xaliimo Aadan Kuukaay oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto Xaawo Aadan Kuukaay

6. Gaashaale Sare Xaawo Xuseen Saadiq oo loo dalacsiiyey Sareeye Guuto Xaawo Xuseen Sadiq

 


Wasiirka Gaashaandhigga


Wednesday, May 13, 2009 (Somaligov News) Prof. Maxamed Abdi Gaandi ayaa ku sugan Addis Ababa meeshaas oo kulan ka socda, kulankaas ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda ka sii daraysa ee Moqdisho Iyo ururada argagixisada ee raba inay dowladda afgambiyaan ayagoo ku marmarsiyoonaya magac Diimeed. Wasiirka ayaa waxuu caddeeyey inay ciidamada AMISOM difaaci karaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. 


Guji Wararka Dowladda